Skip to main content

Posts

Showing posts from 2013
Dawladda federaalka iyo saameeynta warbixinta kooxda korjoogtada ee UNka Qore: Xasan Yuusuf Waal Kooxda dul-meerayaasha Soomaaliya iyo Eriteriya ee UNka waxay 17kii Julaayo soo saareeyn warbixintoodii sanadlaha ahayd. Iyadoo warbixintaan qolaba si u fasiran karto, ayaa haddana   waxaa la dafiri karin eedeeymaha warbixinta; xaalka wadanka kusugan yahay awgiis. Marka laga reebo magacyada shaqsiyaad dhawr ah, warbixintu ma soo bandhigin wax cusub ama siyaado ah, ha ahaato; musuqmaasuq, ka ganacsiga hubka sharci darrada ah iyo dhuxusha. Warbixintaan ayaa ku soo beegmeeysa xilli ay dawladda fedaraalka Soomaaliya isku diyaarinayso shir ay arimo dhowr ah ku   heshiinayaan Midowga Yurub iyo Soomaaliya(New Deal Compact)   ee ka dhacaya   Brussells Sebteemberta fooda inagu soo haysa. Sidoo kale, bishii Meey ee sanadkaan waxaa Soomaaliya loo qabtay shirar caalami ah oo isku xigay kuwaasoo ka dhacay London(SC 2013) iyo Tokyo(TICAD V). Labadaan shir, marka la isku daro waxaa Soom
Middowga Afrika iyo maantay Qore: Xasan Yuusuf Waal Waxaa dhawaan ka dhacday caasimadda Itoobiya, Addis abba, munaasabad lagu xusayay sanad-guuradii 50aad ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay Middowga Afrika(AU) oo hadda ka hor mar loo yaqaanay   Ururka Middowga Afrika(OAU). 25kii bishii shanaad 1963, ayaa waxaa la yagleelay urur ay ku midaysnaayeen dawladdaha Afrikaanka ah ee xilligaa xorta ahaa-32 dawladdood. Qorshahaan ayaa waxaa gar-wadeen ka ahaa madaxweynihii Gaana Kwame Nkrumah, AUN madaxweynihii Soomaaliya Aadan Cabdulle Cismaan iyo madaxweynihii Itoobiya Haile Selassie. Haddafkooduna waxa uu ahaa   middaynta dadka Afrika iyo xornimo gaarsiinta dalalka Afrika ee kujiray gacanta gumeestaha. Ururkaan ayaa waxaa la dhihi karaa in uu ku guuleeystay la dagaalanka gumeysigii muuqday   dabayaaqadii qarnigii 20aad. Waxaa la xoreeyay dhamaan dawladdihii Afrikaan ahaa ee kujiray gacanta gumeeystaha oo ay ugu danbeeysay SootAfrika. Hase ahaatee, waxay ahayd in uru

Xaalku ma inteysan xooggeeysan ha la xaalufiyaa? Qore: Xasan Yuusuf Waal

Xaalku ma inteysan xooggeeysan ha la xaalufiyaa? Qore: Xasan Yuusuf   Waal Muddooyinkii ugu danbeeyay waxaa la arkayay diblumaasiyiin shisheeye oo kusii qulqulaya caasimadda dawladda fedaraalka ee Muqdisho, xilli nabadgalyada magaalada 100% aysan dhammaystirneeyn. Ma jirto maantay   xilli aynu uga baahi badanahay in aan helno hiil iyo hoo si aan usoo ceshano sharafkii iyo qaranimadii Soomaaliyeed. Waxaa amaan mudan dawladdihii sida qoor-qabadka ah dhawaan noogu soo dhisay dawladda hadda jirta. Waxaa hubaal ah in maslaxad la’aan ciddina garab iyo gargaar iska kaa siineeyn. Haddaba qoraalkaan waxaan ku qaadaa-dhigayaa sida aan faa’iido wadaag unoqon karno kuwa danta ka leh dalkeena iyada oo aanan marnaba   la dhibaateeneyn dadka, diinta iyo dalka. Dadweeynoow doodeeydu waa digniin ee ma’ahan in aan duraayo dawladda. Ujeeddada booqashooyinka soo deg-degey Arimaha ay ka midka yihiin; tirada dadka kunool aduunka oo sii caga cageenaysa todobo bilyan, dhaqaalaha dawladda
Dhibka lagu hayo Afka Soomaaliga ma dhabbaa mise waa dhalanteed?  Qore:  Xasan Yuusuf Waal “Haddii aad qof kula hadashid af uu garanayo oo aan kiisa ahayn, madaxa ayuu ka saameeyaa. Haddii aad qof kula hadashid  afkiisa hooyo, wadnaha ayuu ka saameeyaa” waxaa sidaa yiri Nelson Mandela. Afku waa astaan muujisa jiritaanka ay dad leeyihiin. Sidoo kale, afku wuxuu dhowraa dhaqanka iyo dhacdooyinka ab ka ab la dhaxlay. Sidaas darteed, qof af kiisa hooyo ka  tegay waa jir u nugul cudur .  Dadka Soomaalidu waa af-maal, sida aduunkaba noo yaqaan, Dalkii Abwaanada (Nation of  Bards).  Horraantii 1854 sahamiye Richard Burton mar uu socod dheer ku marayay Soomaaliya wuxuu yiri “ waxaan soo arkay dal ay dadkoo dhammi suugaan yahano yihiin”. Dhan kastoo laga eego, hadal iyo hawraar, gabay iyo geeraar,  maanso iyo maahmaah, masafo iyo madadaalo, waa af hodan ah. Wuxuu saab u yahay dhaqankeenna soo jireenka ah, murtida iyo suugaanta. Marka dib loo raadraaco, afka Soomaaligu aad
Muxuu soo kordhin karaa aqoonsiga Mareeykanka? Qore: Xasan Yuusuf Waal Aqoonsiga Mareeykanku sida rasmiga ah uu ugu aqoonsaday dawlada Soomaaliya todobaadkan ma ahan hiiraalka aynu in badan higsanaysay, balse waa suurta-galiye qayb ka ah hanashada hiiraalkaas(soo celinta qarankii iyo sharafkii Soomaaliyeed). Aqoonsigaan soo deg degay waxaa sababay isbadalka guclo-oradka ah ee ay dawlada Soomaaliya   sameeyneyso, ha noqoto; amaanka, maamul wanaaga, siyaasada dibada iyo wada-shaqaynta sadexda hay’adood ee ugu sareeysa dawlada. Ka dib markii nasiibdaro uu fashilmay Hawlgalkii Rajo Soo-celinta(Operation Restore Hope) oo uu hormuudka ka ahaa Mareeykanka horaantii sagaashameeyadii, Mareeykanku wuxuu kula dhaqmaayay Soomaaliya siyaasaddaha;   Halkaa inooga haya -kuwa xag-jirka ahna shartooda yeeysan faafin(Containment Policy) iyo siyaasada laba geesoodka ah ee ku aadaneeyd   dawlada kumeel gaarka iyo dawlada goboleedyada(Dual Track policy) oo diirada saareeysay gargaarka bini’aadanimada