Skip to main content

Posts

Ka tasho oo isku tasho W/Q Xasan Yuusufwaal

Maahmaahbaa oranaysa “Baahiyi qof kuu daran bay kuu geysaa”. Aynu Keeno kaarto ka duwan kutiirsanaanta kaalmada shisheeye. “Runtu waxaa weeye haddii aysan Soomaaliya iyadu tashan oo aysan wax qabsan , go’aan gaarin in ay dawlad noqoto shir meel kasta lagu qabto oo la isugu yeero wax baddan kama baddalayo” ayuu yiri madaxweynaha maamul   goboleedka Puntland mudane Cabdiweli Gaas oo joogay shirka wadatashiga arimaha Soomaaliya ee lagu qabtay Beljam. Hadalka Cabdiweli Gaas ma’ahan wax ka maqan ama ay dadka Soomaaliyeed   moogyihiin, waa dareen-xanuun ay   wali dadku dawadiisa goobayaan. Sida ay ilatahayna garasho xumaa ku dadban dawadaas. Meel kasta ayaa la isaga yimid! Waxaa laga shaqeeyay in laga hortago wax kasta oo   hor istaagi kara habsami-usocodka shirka. La yaab, kuwa siyaasiyiinta ah ee isdiidan ayaa waxaa la’arkayay iyaga oo gacmaha is-haysta oo magaalada dhex mushaaxaya. Kuwa cabasho doc usala buurayna durba xaaladooda   si deg deg ah a...

Waa barnaamijkii Dhab Ka Hadal ee Kalsan TV. Mawduucu waa dhuuxa iyo dhiiga qaranimada

Xiriirka cusub ee Soomaaliya iyo Itoobiya-qaybta 2aad W/Q Xasan Yuusuf Waal

Xiriirka cusub ee Soomaaliya iyo Itoobiya-qaybta 2aad W/Q Xasan Yuusufwaal Maahmaah Soomaaliyeed baa oranaysa “ waan baahanahay baqtiga looma cuno”.   Garwadeenka garanaya gar-adagta iyo gorgortanka siyaasadeed marnaba ma ogalaado, si kastoo uu u tabar daran yahay, in uu qaato qariir, quursi iwm. Qarni ku dhawaad, waxa hoog iyo halaag la baday dadka Falastiiniyiinta, iyaga oo qaybsan ayaa haddana qaddiyada iyo arrimaha lama-taabtaanka   ee dadka reer Falastiin gar iyo gorgortan midna laga galin. Heshiiskii dhawaan dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya mar kale waa mid ay ka muuqato tanaasul badan oo dhanka Soomaalida ah iyo faa’iido badan oo xaga Itoobiyaanka ah. Ra’iisul-wasaare Axmed wuxuu ku guuleeystay wax Haylesalaase iyo Mingiste ku guuldareeysteen. Anigoon gaarsiinayn heer in si toos ah Itoobiya la isugu dhiibay ayaan waxaan aamin sanahay in heshiiskaan si fudud ugu sharciyeeyay Itoobiya waxa dad badan oo inaga horeeyay ay diideen- in Soomaali marti ku ...

Xiriirka cusub ee Soomaaliya iyo Itoobiya-qaybta 1aad W/Q Xasan Yuusufwaal

Xiriirka cusub ee Soomaaliya iyo Itoobiya-qaybta 1aad W/Q Xasan Yuusufwaal Waxay ahayd 30 sano ka hor hadahaayoo kale markii Soomaaliya iyo Itoobiya ay dib-u-bilaabeen xiriirka diblomaasi ka dib dagaalkii 1977dii. Waxay labada dawladood ku kala saxiixdeen Muqdisha heshiis nabadeed oo taariikhi ah. Heshiiskan dhaqan-galkiisu wuxuu jiray muddo kooban oo sanado ah ilaa iyo intii qaranku dhisnaa. Xilligaa ka dib ilaa iyo maantay sidda   Itoobiya ay Soomaaliya   ula dhaqmeeysay uma baahna   sheeko iyo sharaxaad toona. Haddaba maxay ka dhigan tahay booqashada Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya Dr Abiya Axmed ku yimid shalay caasimada dalka, Muqdisha? Anoo og in nalugu yaqaan dhaqanka fiican ee soo dhaweeynta iyo maamuuska martida haddana ma fileeyn maqsuudnimada   intaa la’eg ee madaxdeena ka muuqatay. Arintu si kastaba ha ahaatee, saacado yar ka dib waxaa la soo saaray war-murtiyeed ka kooban 16 qodob.   Waxay ka hadlayaan qodobadaan inta badan iskaashiga dh...

Ha quusan qaddartu waa tii Eebe e : Qiso qiimo leh

Ha quusan qaddartu waa tii Eebe e : Qiso qiimo leh                                                                 “Hilowlaha ay dhashaa, haddii meel laga hayaa asuu haaraa habeen, waa tii hoogaysatoo ilmadu ay hibitiqdee, hooyadu waa lama huraan” Careeys Ciise Kaarshe (AUN)  Michael Crossland oo u dhashay Australia  intuusan sanad jirsan ayaa laga helay cudurka kansarka(feex) ee ku dhaca habdhiska dhexe ee neerfeyaasha. Taqtarkii wuxuu yiri qalaas cunugaan dhowr bilood ka bacdi wuu dhimanayaa. Michael hooyadii waxay taqtarkii ku tiri iigu kaadi dhimashadiisee qiyaaskaaga illaa inteybeey suurtagal tahay in cunugeeyga dawo loo helo(uu noolaado). Taqtarkii wuxuu ku jawaabay boqolkiiba afar oo ka dhigan rajo-beel. Michael hooyadii waxa ay xooga saartay rajada ah in boqolkiiba afar ay suurtagal tahay in wii...

Dalku dawladnimuu u baahan yahay.

Dalku dawladnimuu u baahan yahay. Dad u damqada iyo da'yar buu u baahan yahay. Doolka iyo dabadhilifkoo laga difaacuu u baahan yahay.  Dibindaabyada iyo damaca dibada oo laga digtoonaaduu u baahan yahay. Dalku dawladnimuu u baahan yahay. Dantiisoo la dib-marin buu u baahan yahay. Dib-u-dhis iyo dacayactir buu u baahan yahay. Daryeel dareerto ah buu u baahan yahay. Dalku dawladnimuu u baahan yahay. Dulmigoo la diiduu u baahan yahay. Dirirtoo dood lagu baddaluu u baahan yahay. Dadkoo la isku dumuu u baahan yahay. Duco iyo diinsaar buu u baahan yahay. Dabci qaboow iyo dad daacaduu u baahan yahay. Xasan Yusufwaal

Xaalka dalku ku sugan yahay