Skip to main content

Posts

Dhibka lagu hayo Afka Soomaaliga ma dhabbaa mise waa dhalanteed?  Qore:  Xasan Yuusuf Waal “Haddii aad qof kula hadashid af uu garanayo oo aan kiisa ahayn, madaxa ayuu ka saameeyaa. Haddii aad qof kula hadashid  afkiisa hooyo, wadnaha ayuu ka saameeyaa” waxaa sidaa yiri Nelson Mandela. Afku waa astaan muujisa jiritaanka ay dad leeyihiin. Sidoo kale, afku wuxuu dhowraa dhaqanka iyo dhacdooyinka ab ka ab la dhaxlay. Sidaas darteed, qof af kiisa hooyo ka  tegay waa jir u nugul cudur .  Dadka Soomaalidu waa af-maal, sida aduunkaba noo yaqaan, Dalkii Abwaanada (Nation of  Bards).  Horraantii 1854 sahamiye Richard Burton mar uu socod dheer ku marayay Soomaaliya wuxuu yiri “ waxaan soo arkay dal ay dadkoo dhammi suugaan yahano yihiin”. Dhan kastoo laga eego, hadal iyo hawraar, gabay iyo geeraar,  maanso iyo maahmaah, masafo iyo madadaalo, waa af hodan ah. Wuxuu saab u yahay dhaqankeenna soo jireenka ah, murtida iyo suugaanta. Marka...
Muxuu soo kordhin karaa aqoonsiga Mareeykanka? Qore: Xasan Yuusuf Waal Aqoonsiga Mareeykanku sida rasmiga ah uu ugu aqoonsaday dawlada Soomaaliya todobaadkan ma ahan hiiraalka aynu in badan higsanaysay, balse waa suurta-galiye qayb ka ah hanashada hiiraalkaas(soo celinta qarankii iyo sharafkii Soomaaliyeed). Aqoonsigaan soo deg degay waxaa sababay isbadalka guclo-oradka ah ee ay dawlada Soomaaliya   sameeyneyso, ha noqoto; amaanka, maamul wanaaga, siyaasada dibada iyo wada-shaqaynta sadexda hay’adood ee ugu sareeysa dawlada. Ka dib markii nasiibdaro uu fashilmay Hawlgalkii Rajo Soo-celinta(Operation Restore Hope) oo uu hormuudka ka ahaa Mareeykanka horaantii sagaashameeyadii, Mareeykanku wuxuu kula dhaqmaayay Soomaaliya siyaasaddaha;   Halkaa inooga haya -kuwa xag-jirka ahna shartooda yeeysan faafin(Containment Policy) iyo siyaasada laba geesoodka ah ee ku aadaneeyd   dawlada kumeel gaarka iyo dawlada goboleedyada(Dual Track policy) oo diirada saareeysay gargaarka b...
Fursaddaha iyo Caqabaddaha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Qore: Xasan Yuusuf Waal Maalintii Isniinta, horaantii todobaadkan, waxaa rumoowday saadaashii iyo kalsoonidii ay dad badan oo soomaaliyeed dul dhigeen xillibaanada cusub ee dalka. Maalintaa,10kii   Sebteember 2012ka, waxay taariiqda ka gashay baal dahab ah, ka dib markii baarlamaanka cusub   si aqlabiyad leh ku doortay madaxweynaha cusub   mudane   Xasan Sheekh Maxamuud. Isla markaasna, madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu si sharaf leh ugu dhawaaqay in si cadaalad leh looga guuleystay. Tijaabadan culus waxaa ka horeeyay doorashadii   gar-wadeenka baarlamaanka, ruug cadaa Barafasoor Cismaan Jawaari iyo labadiisa ku xigeen. Iyadoo ay siyaasaddu wajiyo badan tahay (dynamic), ayaa marar badan waxaa dhacda in dhinac la iska dhigo maslaxadda gaarka ah oo la door bido mas’uuliyad-qarameedka. Baarlamaankan cusub   wuxuu muujiyay hufnaan iyo shaqo-wanaag (professionalism). ...
Ma Ku Dayanaa? Magan Daahir iyo Tartanka Baralambiga Qore: Xasan Yuusuf Waal W aa markale iyo Ma Ku Dayanaa? Ma Ku Dayanaa? Waa barnaamij-qoraal aan had iyo goor ku eeggo arimaha la xiriira siyaasadda, dhaqaalaha iyo kuwa bulshada. Markaan waxaan ku eegayaa mucjisadda kubadda miiska Magan Daahir iyo muhiimadda tartanka dadka   lixaadoodu aan dhameeystir neeyn ee Baralambiga. Waxaa lagu soo gabogabaynayaa     dalka Biriten tartanka afar-sanadlaha ee Baralambiga.   Tartankan waxaa asalkiisii bilaabay   taqtarka cudurada dareemayaasha Sir Ludwig Guttmann sanaddii 1948dii. Wuxuu soo abaabulay tartan ,dhexmaray dhowr iyo afartan ciyaartooy oo ah dadka   lixaadoodu aan dhameeystir neeyn,   oo ka dhacay rugta caafimaadka ee Stoke Mandeville ee   ku   taala dalka Biriten. Maantayna   waxaa ka soo qayb galay 150 wadan iyo 4200 oo ciyaartooy oo ku tartamaya 20 nooc oo ciyaaro kala duwana. Tartankaan wuxuu xambaarsan yahay...
Maxaa kala qabsadday Wax-garad iyo Wax-matare! Dood gaaban Qore: Xasan Yuusuf Waal Waa dood ka turjumeeysa afkaarta la isweydaarsado sebenkaan jahliga iyo jahwareerka ee Soomaaliddu ku jirto. Alle mahadii, bulshadii wey bislaatay. Wax-garadkii wuu baraarugay. Beesha caalamkana wey soo gurmatay. Wax- matare : Wax-garad, markii xaajo xumeeyd xagee jirtay? Wax-garad : Sahan iyo socod dheer kabacdi, saakaan soo dhacay. Wax-matare : Reerkaa degay, durdurkaa iyo doogaa cagaaran                          in aad dul   is taagtid oo aad durbaan garaacdid                         ma dowbaa? Wax-garad : Wax-matare, tan tii Alleey ku timiddee, la’maadan               ...
Xalka hoose ayaa ka muhiimsan kan sare Qore: Xasan Yuusuf Waal S haki kuma jiro in arinta Soomaaliya ay ka guracan tahay   xaga baarka (gar-wadeenka). Hasa-yeeshee, xal u helista mushaakilaadka dadka iyo dalka heysta kuma koobna oo kaliya in la helo isbadal ka yimaada xaga sare. Waxaa loo baahan yahay isbadal kasoo bilowda gunta hoose (grass roots level). Haddaba, dulucda dooddeeydu waa digniin guud ee ninowna ha dareemin in diirada adiga ku dul taal! Bilihii ugu danbeeyay, waxaa ku soo qulqulaya gudaha dalka qaasatan magaalada Muqdisha, qurbo-joog aad u fara badan oo ku hubeeysan   kombuutarada gacanta (laptops), taleefano casri ah (smartphones) iyo magac-horgallayaal sida Dr, Ing, iyo Professor. Wey fiican tahay in markastaba laga qayb qaato geedi-socodka nabada iyo dadaalada loogu jiro dib usoo nooleeynta qarankii iyo sharafkii Soomaaliyeed. Laakiin waxaa is-weydiin mudan, awoodan weyn ee hada la arkay, xagee awal jirtay? Mar walba waxaa aad loog...
Ma Ku Dayanaa? Mo Farah-Double Olympic champion Qore: Xasan Yuusuf Waal M a Ku Dayanaa? Waa barnaamij-qoraal aan had iyo goor ku eeggo arimaha quseeya siyaasadda, dhaqaalaha iyo kuwa bulshada. Markaan waxaan ku eegayaa orad-yahanka caanka ah ee Maxamed Faarax. Maxamed wuxuu noqday qofkii ugu horeeyay oo Biritish ah oo ku guuleeysta bilida dahabka ee oradka Olambiga   10ka kun afartii bishan Agoosto 2012ka. Maxamed wuxuu wareegii ugu danbeeyay asagoo sidii shabeelkii u talaabo-qaadaya, bar barka ka dhaafay libaaxyadii reer Itoobiya, Ilmo Bekeele. Goobtii Olambiga waxaa gilgilay gariir iyo sawaxan sidii sawaariiq la ganayo. “ waxaa i caawiyay taageerada iyo guuxii reer London” ayuu yiri Maxamed. Oradkaan wuxuu ahaa   mid dalka   Biriten oo dhan si gooni ah looga xiiseenayay. Sidoo kale, Maxamed asagoo ahaa horyaalka oradka 5ta kun ee aduunka, ayuu Sabtidii bisha Agoosto 11 keeda wuxuu ku guuleeystay orodka 5ta kun ee Olambiga. Waa dhacdo ugub ah. ...