Skip to main content

Posts

Showing posts from 2018

Madaxweyne Maxamed lug maku lahaa isku-soodhawaanshaha Eriteriya iyo Jabuuti?W/Q Xasan Yuusufwaal

Isku-daygii dhawaan Madaxweyne Maxamed C/laahi isugu soo dhaweenayay dawladaha Eriteriya iyo Jabuuti oo khilaaf xaga soohdinta ah u dhaxeeyay mudo haatan 10 sano ah ayaa noqday mid miro dhal ah. Arinkaani wuxuu naxasuusiyay kaalintii libaax ee Soomaaliya ka qaadan jirtay xalinta mushkiladaha qaarada Afrika. Isku dayo badan ka dib khilaafkaan oo loo caalwaayay ayaa ku soo beegmay xili isbedalo lama filaanu ay kadhaceen  gobolka. Xukuumad cusub oo Itoobiya ka dhalatay, heshiiska Itoobiya iyo Eriteria iyo soo celinta cilaaqaadka u dhaxayeeyay Soomaaliya iyo Eriteriya kaa soo xargo-furtay ka dib markii Soomaaliya ku eedeeysay Eriterya in ay taageerto kooxda nabad-diidka  ee Alshabaab. Waxaa isweydiin mudan iyada oo  ay dawlado ka saameeyn iyo mugweyn Soomaaliya ka samreen xalinta khilaafka Eriteriya iyo Jabuuti; codsigii Soomaaliya ee ahaa in laga qaado  Eriteriya cuno-qabateenka hubka  uu ka careesiiyay Jabuuti    siddee Soomaaliya ugu guuleeysatay arinkaan? Si isbedalada siya

Somalia is not Senkaku Islands By Hassan Yusufwaal

Following on a piece published Yesterday on the most popular newspaper in Kenya- The Daily Nation titled “It’s time Kenya and Somalia became one unit” by KARANJA KABAGE; Is the article just a wishful thinking of a blogger or an exercise of shaping the political discourse- the trademark of Blair’s spin doc Alastair Campbell. I would say the latter. Hence this article critically analyses the bias and the underlying motivation of the story.   Let me set the record straight on two points in the article straightaway. First point, Mr Kabage legitimises the 2011 invasion of Kenya into Somalia as an act of self-defence and an attempt to stabilise the country. Kenya defied UN Security Council Resolution 1725 of 2006 that endorses the specification in the IGAD Deployment Plan that those States that border Somalia would not deploy troops to Somalia. Moreover the then president of Somalia Sheikh Sharif Ahmed described the invasion as illegal. We understand that Kenya was not invited into

Hogaamiye waa kii dabra dareenkiisa, hadalkana heli og

Amiir Cumar Bin Khadaab Eebe ha ka raali noqdee ayaa la yiri isagoo ku guda jira khudbad ayaa mid ka mid ah dhageeystayaashii istaag isla dhereriyay oo yiri ku dhageeysan meyno Ilaa aad noo sheegtid halka aad ka keentay dharka dheeriga ee aad xiran tahay! Amiirkii baa u jeestay dhinaca wiilkiisu fadhiyay ,dabadeedna wuxuu ku yiri aabe u sheeg meesha aan ka keenay qaydka dheeriga ah ee aan xiranahay. Wiilkii baa wuxuu yiri aabahay sida aad aragtaan waa nin xajmi weyn siddaa darteed khamiiskeeyga ayaan qayb u jaray. Amiirku wuxuu dabray dareenkiisa(emotional intelligence ). Isagoon caroon, qaylin, meel kale la aadin ayuu amiirku weydiintii si waafi ah kaga warceliyay. Arinkaan waa tusaale ka sawir bixinaya sifooyinka suuban iyo sida garwadeenka garashada fog leh u soo saaraan bulsho si wacan loo carbiyay. Xasan Yusufwaal

Khudbad aan ka jeediyay xaflad lacag ururin, magaalada Northampton.

Garanweynayee gabdhuhu maxay galabsadeen! W/Q Xasan Yuusufwaal

Waxaa laba bari ka hor lagu soo daabacay Joornaalka The Economist xayeeysiis shaqo- jagada gudoomiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya oo banaannaan-doonta bisha Nofeember ee sanadkan 2018. Waxaa saacado ka hor la buuxiyay xayn wasaarado ah oo xilalka wasiiradu ay banaanaayeen. Ma jirto xili aynu uga baahi badanahay in xilalka sare ee wasaaradaha ay buuxiyaan xirfadleey ku haboon(technocrats). Sida ay ila-tahayna ma jirto cid kaloo kaga haboonaan lahayd oo aan ahayn gudoomiyihii hore ee bangiga dhexe marwo Yusur Abraar iyo wasiirkii hore ee waxbarshada, horumarinta bulshada iyo gargaarka marwo Dr. Maryam Qaasim. Labada mas’uul hal bey isaga mid yihiin iyadoon jiid jiid jirin beey si hawl yar xilalkii loo idmaday isaga casileen. Haddaba ma arrimo kulansadaa mise waa qorshe degsan oo lagu bartilmaameed-sanayo kuwa aan dhihin HAA markeey doonayaan in ay dhahaan MAYA. Wax badan oo dalkeena ka haleeysan ma keenin dad-xumi ee waxaa sabab u ah nidaam-xumi. Haddii   nidaam dariiq t

Ka tasho oo isku tasho W/Q Xasan Yuusufwaal

Maahmaahbaa oranaysa “Baahiyi qof kuu daran bay kuu geysaa”. Aynu Keeno kaarto ka duwan kutiirsanaanta kaalmada shisheeye. “Runtu waxaa weeye haddii aysan Soomaaliya iyadu tashan oo aysan wax qabsan , go’aan gaarin in ay dawlad noqoto shir meel kasta lagu qabto oo la isugu yeero wax baddan kama baddalayo” ayuu yiri madaxweynaha maamul   goboleedka Puntland mudane Cabdiweli Gaas oo joogay shirka wadatashiga arimaha Soomaaliya ee lagu qabtay Beljam. Hadalka Cabdiweli Gaas ma’ahan wax ka maqan ama ay dadka Soomaaliyeed   moogyihiin, waa dareen-xanuun ay   wali dadku dawadiisa goobayaan. Sida ay ilatahayna garasho xumaa ku dadban dawadaas. Meel kasta ayaa la isaga yimid! Waxaa laga shaqeeyay in laga hortago wax kasta oo   hor istaagi kara habsami-usocodka shirka. La yaab, kuwa siyaasiyiinta ah ee isdiidan ayaa waxaa la’arkayay iyaga oo gacmaha is-haysta oo magaalada dhex mushaaxaya. Kuwa cabasho doc usala buurayna durba xaaladooda   si deg deg ah ayaa   loo dejiyay. Waa m

Waa barnaamijkii Dhab Ka Hadal ee Kalsan TV. Mawduucu waa dhuuxa iyo dhiiga qaranimada

Xiriirka cusub ee Soomaaliya iyo Itoobiya-qaybta 2aad W/Q Xasan Yuusuf Waal

Xiriirka cusub ee Soomaaliya iyo Itoobiya-qaybta 2aad W/Q Xasan Yuusufwaal Maahmaah Soomaaliyeed baa oranaysa “ waan baahanahay baqtiga looma cuno”.   Garwadeenka garanaya gar-adagta iyo gorgortanka siyaasadeed marnaba ma ogalaado, si kastoo uu u tabar daran yahay, in uu qaato qariir, quursi iwm. Qarni ku dhawaad, waxa hoog iyo halaag la baday dadka Falastiiniyiinta, iyaga oo qaybsan ayaa haddana qaddiyada iyo arrimaha lama-taabtaanka   ee dadka reer Falastiin gar iyo gorgortan midna laga galin. Heshiiskii dhawaan dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya mar kale waa mid ay ka muuqato tanaasul badan oo dhanka Soomaalida ah iyo faa’iido badan oo xaga Itoobiyaanka ah. Ra’iisul-wasaare Axmed wuxuu ku guuleeystay wax Haylesalaase iyo Mingiste ku guuldareeysteen. Anigoon gaarsiinayn heer in si toos ah Itoobiya la isugu dhiibay ayaan waxaan aamin sanahay in heshiiskaan si fudud ugu sharciyeeyay Itoobiya waxa dad badan oo inaga horeeyay ay diideen- in Soomaali marti ku noqoto ge

Xiriirka cusub ee Soomaaliya iyo Itoobiya-qaybta 1aad W/Q Xasan Yuusufwaal

Xiriirka cusub ee Soomaaliya iyo Itoobiya-qaybta 1aad W/Q Xasan Yuusufwaal Waxay ahayd 30 sano ka hor hadahaayoo kale markii Soomaaliya iyo Itoobiya ay dib-u-bilaabeen xiriirka diblomaasi ka dib dagaalkii 1977dii. Waxay labada dawladood ku kala saxiixdeen Muqdisha heshiis nabadeed oo taariikhi ah. Heshiiskan dhaqan-galkiisu wuxuu jiray muddo kooban oo sanado ah ilaa iyo intii qaranku dhisnaa. Xilligaa ka dib ilaa iyo maantay sidda   Itoobiya ay Soomaaliya   ula dhaqmeeysay uma baahna   sheeko iyo sharaxaad toona. Haddaba maxay ka dhigan tahay booqashada Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya Dr Abiya Axmed ku yimid shalay caasimada dalka, Muqdisha? Anoo og in nalugu yaqaan dhaqanka fiican ee soo dhaweeynta iyo maamuuska martida haddana ma fileeyn maqsuudnimada   intaa la’eg ee madaxdeena ka muuqatay. Arintu si kastaba ha ahaatee, saacado yar ka dib waxaa la soo saaray war-murtiyeed ka kooban 16 qodob.   Waxay ka hadlayaan qodobadaan inta badan iskaashiga dhaqaale ee labda dal. Wax

Ha quusan qaddartu waa tii Eebe e : Qiso qiimo leh

Ha quusan qaddartu waa tii Eebe e : Qiso qiimo leh                                                                 “Hilowlaha ay dhashaa, haddii meel laga hayaa asuu haaraa habeen, waa tii hoogaysatoo ilmadu ay hibitiqdee, hooyadu waa lama huraan” Careeys Ciise Kaarshe (AUN)  Michael Crossland oo u dhashay Australia  intuusan sanad jirsan ayaa laga helay cudurka kansarka(feex) ee ku dhaca habdhiska dhexe ee neerfeyaasha. Taqtarkii wuxuu yiri qalaas cunugaan dhowr bilood ka bacdi wuu dhimanayaa. Michael hooyadii waxay taqtarkii ku tiri iigu kaadi dhimashadiisee qiyaaskaaga illaa inteybeey suurtagal tahay in cunugeeyga dawo loo helo(uu noolaado). Taqtarkii wuxuu ku jawaabay boqolkiiba afar oo ka dhigan rajo-beel. Michael hooyadii waxa ay xooga saartay rajada ah in boqolkiiba afar ay suurtagal tahay in wiilkeeda dawo loo helo. Michael hooyadii waxay ogalaatay in wiilkeeda lagu daro 24 caruura  oo lagu tijaabinayay dawo markii ugu horeeysay loo isticmaalo binii-aadan. Dhor

Dalku dawladnimuu u baahan yahay.

Dalku dawladnimuu u baahan yahay. Dad u damqada iyo da'yar buu u baahan yahay. Doolka iyo dabadhilifkoo laga difaacuu u baahan yahay.  Dibindaabyada iyo damaca dibada oo laga digtoonaaduu u baahan yahay. Dalku dawladnimuu u baahan yahay. Dantiisoo la dib-marin buu u baahan yahay. Dib-u-dhis iyo dacayactir buu u baahan yahay. Daryeel dareerto ah buu u baahan yahay. Dalku dawladnimuu u baahan yahay. Dulmigoo la diiduu u baahan yahay. Dirirtoo dood lagu baddaluu u baahan yahay. Dadkoo la isku dumuu u baahan yahay. Duco iyo diinsaar buu u baahan yahay. Dabci qaboow iyo dad daacaduu u baahan yahay. Xasan Yusufwaal

Xaalka dalku ku sugan yahay

Dow ma tahay in aynu diidno deynka $5.3 bilyan ee dalkeena? W/Q Xasan Yuusufwaal Waxaa lacagahaan la ina amaahiyay dabayaaqadii   todobaatamaadkii iyo siddeetamaadkii xili dalku galay marxalad cusub; hey’adihii adkaa ee dawliga oo wiiqmay, dhaqaalihii iyo wax soo saarkii oo hoos u dhacay iyo qalqal siyaasadeed oo biloowday. Lacagta deynka ah badan keed waxa ay ka timid sadex qolo oo kala ah : Paris Club (dalad ay ku bahoobeen dawlado amaah bixiya oo u badan Reer Galbeed), Carabta iyo IMF. Deynkaan iyo deeqo kalaba waxaa sharuud looga dhigay in ay Soomaaliya fuliso danaha la xiriiray dagaalkii qaboobaa, loolankii Carabta dhexdeeda ahaa iyo qaadashadii wacdigii IMFta (Structural Adjustment Program) ee dulucdiisu ahaa in Soomaaliya albaabada u furto maalgashiga shisheeye ee shirgadaha Reer Galbeedka. Haddii aynu u siqno sanadihii ugu danbeeyay iyo sida xaalku yahay maantay, maamulidii isxig-xigay ha ahaadaan kumeel-gaarkii iyo kuwa sida rasmiga ah loo aqoonsadayba, garwadeen

Deeqaha dalkeena la degay!

Dooda musuqmaasuqa: Yaa saxan ma madaxweynaha mise wasiirka maaliyada? W/Q Xasan Yuusufwaal Markii la garab maro ama laga gabado gorfeynta iyo ka gun-gaarka   go’aannada, gefka, guuldarada iyo guusha garwadeenka siyaasada waxaa dhacda in kuwa talada haya tooda mooyee aan tukale la tilmaami Karin. Siddaa darteed shar iyo khayrba shacabku ay noqdaan kuwo qaata oo ku qasban hadba wixii loo sheego.   Dhaqanka noocaana waa mid jirid-gooys ah dunida sedexaadna dib u dhac weyn u keenay. Waxaan u socdaa oo aan rabaa iyadoon qallooc lahayn in aan qaadaa-dhigo laba hadal oo ku saabsan musuqa ka jira dalkeena oo uu mid yiri madaxweyne Maxamed Cadullaahi midna yiri wasiirka maaliyada Cabdiraxmaan Beeyle. Dulucda doodeeydu waa in aan iftiimiyo dhaca dharraata cad ee xoolaha dadweynaha iyo siddii   dhaqankaa loo dabargoyn lahaa. Qudbadii uu qorshihiisa kusoo bandhigay tartankii jagada madaxweyne ee 2017 madaxweyne Maxamed Cabdullaahi wuxuu yiri “ waxaa laba bari ka hor lasoo saar

Waa hadal aan ka jeeddiyay kulan ay London isugu yimaadeen dhalinyaro hawl-waddeeno ah oo ka kala yimid gobolada UK oo looga hadlayay doorka dhalinyarada dalka

Maareynta damaca shisheeye: hawl u baahan kasmo cusub W/Q: Xasan Yuusuf Waal

Geesigu ma’ahan kan aan dareemin baqdinta balse waa midka ka adkaada baqdinta. Nelsan Mandela Wax qarsoon ma’aha danaha ay dawalado iyo shirkado shisheeye oo baddan ka leeyihiin Soomaaliya ha ahaato dhan dhaqaale, dhaqan iyo mid siyaadba. Soomaaliya waa dal hodan ah, leh ilo wax-soor oo dihan ama si buuxda aan looga faa’iideysan kuna taala meel aad muhiim u ah(bada cas, gacanka cadmeed, badweynta Hindiya). Sahamiye Richard Burton   wuxuu yiri   1855 tii“ Berbara waa   albaabka ugu muhiimsan ee laga galo Bada cas waana xudunta marinka Bariga Afrika ” Siddaas darteed Soomaaliya waxay noqotay goob marwalba soo-jiidata   faragalinta iyo damaca shisheeye. Faragalinta shisheeye waxaan u kala qaadayaa laba nooc: mid toos ah iyo mid dadban. Midda hore waxa ay salka ku haysaa dhulbalaarsi iyo is-adoonsi.   Faragalinta tooska ah waa iyada oo aan oggolaansho laga heysan dadka Soomaalida oo xoog dalka la’isaga soo golo lagana fushado wixii la doono. Waxaa ka mid ah; qabsashadii Boort

Musuqa dalkeenu waa dhab ee diiddnay dhaha!

Waa wareeysi aan siiyay Hanoolaato.com

Waa barnaamij cilmiyeed aan ku falaqaynayo fashilka siyaasadeed ee dalkeena.